October, 21-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in Qarixii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada xamar loo xiray shaqsiyaad la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen.

Wasiir Ducaale oo warbahinta kula hadlayay goobtii qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay shacabka la wadaagi doonaan xog ku saabsan qaraxaas.

Hey’addaha amniga waxay Shacabka Soomaaliyeed dhowaan la wadaageynaa xog ku saabsan qaraxaas iyo dad loo xiray”ayuu yiri Wasiir Ducaale.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu qiray inay wali socdaan baaritaanada ku saabsanqaraxii dadka badan ku dhinteen.

Hey’addaha ammaanka ayaa wajahaya dhaliilo ku aadan qaraxaas iyo gaadiidkii weynaa sida ay ugu suura gashay inuu magaalada soo galo, isla markaana soo dhaafo koontaroolo ciidamada ammaanka ku sugnaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay xogta Qaraxawaxa aysheegtay qaraxa guud ahaan inuu waxyeeleeyay 642 qof, dhimashaduna ay tahay 358 qof, halka ay ku dhaawacmeen 228 qof.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6241
LATEST NEWS