October, 07-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Guddoomiyaha guddiga dastuurka ee baarlamaanka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in labada guddi ee dastuurka ay qaadaceen Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka.

Waxaa uu sheegay guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka aaney berri ka qeyb-geli-doonin shirka dastuurka ee ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Shirkaasi ay wadato Wasaaradda dastuurka,islamarkaana aan laga talo galin.


Inta badan maamulada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug, Hirshabeelle , Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa qaadacay Shirweynaha qaran ee dib u eegista Dastuurka ee Berri furmaya.

Dadka u dhuun daloola arimaha soomaali ayaa ka dhur-sugaya sida ay wax u qabsoomi doonan.

Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6199
LATEST NEWS