October, 05-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa digniin culus u kala diray Taliyayaasha iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka maamulka.

Hogaamiye Cabdiweli, ayaa sheegay inaanu aqbali doonin in falalka amni darro ee ka dhaca deegaanada maamulka aan loo qaban cidii ka danbeysay xili ay goobaha qaar ku sugan yihiin ciidamada maamulka.

Cabdiweli, waxa uu tilmaamay in dhacdooyinka kusoo kordhaaya deegaanada maamulka ay u qaadan doonaan shaqo xumi ka dhex jirta xarumaha Hay’adaha amaanka, waxa uuna ku baaqay in talaabo cad laga qaado kuwa Puntland u horseedaya amni darida.

”Waxaan qaadan doonin in goobo ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka ay ka dhacaan falal amni darro oo aan loo qaban cidna, waxaan cadeynayaa in falalka ceynkaasi ah aanu u dulqaadan doonin”

”Amniga waxaan kala xisaabtami doonaa kuwa ka mas’uulka ah ee maamulka u qaabilsan haddii ay jawaab ka bixin waayan falalkaasi aniga ayaa ka bixin doona jawaabta”

Cabdiweli oo la hadlay warbaahinta ayaa Saraakiisha Maamulka ugu baaqay dardargelinta sugida amniga deegaanada kala duwan ee Maamulka.

Cabdiweli ayaa sheegay in Ciidamada Puntland looga baahan yahay in ay ka hortagaan waxkasta ay maleegayaan waxa uu ugu yeeray cadawga nabadda oo uu ku sheegay Alshabaab.

Sidoo kale, Cabdiweli ayaa cadeeyay in Taliyayaasha iyo Saraakiisha lagula xisaabtami doono fal waliba oo ka dhaca deegaanada maamulka.

Haddalka Cabdiweli ayaa kusoo beegmaaya xili deegaanada maamulka ay kusii kordhayaan weerarada argagixiso oo ay geystaan Alshabaab.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6199
LATEST NEWS