May, 17-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Waxaa Hotel Afrik Magaalada xamar lagu qabtey maanta oo ay Taariikhdu tahay 17-5-2017 Kulan la tashi ah oo ku saabsan Sharciga Saxaafadda waxaana Kulankaas soo qaban qaabiyey Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ah Urur ay ku Mideysan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta , waxaana ka qayb galey Xubno ka socdey Ururka NUSOJ, SIMHA, SWJ MINA, Xarumaha Warbaahinta Xarumaheeda iyo Rug caddaayal Saxafadeed. Kulankaan la tashiga waxaa Furey Xoghayaha SOMA Ismaaciil Shiikh Khaliifa waxaana uu ku dheeraadey Heerarkii uu soo marey Sharciga Saxaafada , sidoo kale waxaa uu Tilmaamey qaar ka mid Qodobada ku jira Sharciga Saxaafada oo uu sheegey in ay Cabasho weyn ay ka keeneen qaybaha kala duwwan ee Warbaahinta Warbaahinta Soomaaliyeed si weyn bay uga doodeen Sharcigaas Sanooyinkii la soo dhaafey wax badana waa ay ka badeleen “ayuu yiri Xoghayaha SOMA Ismaaciil Shiikh Khaliifa oo dulmar ku sameeyey Sharciiga Saxaafada oo Sannadkii 2016 uu Saxiixey Madaxweyniihii Hore ee Soomaaliyeed Xasan Shiikh Maxaamuud isagoo sheegey in weli ay Jiraan Qodobo

Xubnhii kulankaas la tashiga ah ka Hadley waxaa ka mid ahaa Shariif Macalin oo si weyn uga Hadley Marxaladihii uu soo marey Xeerka Saxaafada isagoo Hoosta ka Xariiqey in Warbaahin ay il gaar ah isaga eegaan qaar ka mid ah Qodobada Sharciga Saxaafada gaar ahaan kuwa ka hadlaya Amniga iyo kuwa Ganaaxa ah

Farxiyo Maxamed Khayre oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiiyiinta Mahadcelin ka dib waxay sheegtey in aad u soo dhaweynayaan in mar kale laga doodo Sharciga Saxaafada iyadoo Farta ku fiiqdey in ay weli jiraan Qodobo is Dulsaaran oo loo Baahan yahay in si cad loo qeexo si loo helo qodobo Waraabinta ku Kalsoon tahay

“Waxaa soo jeedinayaa in Qodobada Sharciga Saxaafada ku jira in si Cad loo bayaaniyo si meeshaa loogga saaro shakiga ay qabaan Warbaahinta” sidaa waxaa yiri Faarax Cabdi Warsame oo ka socdey Wakaalada Wararka AP waxaa uu soo dhaweeyey in mar kale Dib loo eego Sharciga Saxaafada.

Maxamed ibraahim Macalimuu oo ah Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Qaran ee NUSOJ oo ka hadley Kulankaas ayaa u Mahadceliyey intii soo qaban qaabisey Kulanka isagoo u jeediyey ka qayb galayaasha in ay diirada saaraan Qodobada Muhiimka ah ee Khuseeya Saxaafada Xorta ee Khilaafka taagan yahay

Dhawaan ayey ahayd markii Wasiirka Warfaafinta uu ku dhawaaqeen in mar kale Dib loo eego Sharciga Saxaafada maadaama ay Cabasho weyn ay ka keeneen qaybaha kala duwan ee ee Warbaahinta taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Bahda Saxaafada.


xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6275
LATEST NEWS