May, 17-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
xamarradio.com
hogaaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in Mucaarad lagu noqdo Dowladda Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu sheegay in Dowladda ay shaqeyneyso oo keliya 3 bil isla markaana aysan suurta gal ahayn in la Mucaarado. Waxa uu xusay In ay muhiim tahay in la taageero Dowladda Federaalka Soomaaliya, loona baahan yahay in la garab istaago oo aan Mucaarad lagu noqon sida uu sheegay C/weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa sheegay in ay mideysan yihiin Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada Dalka isla markaana ay si wadajir ah ugu hortagayaan cid walbo oo Mucaarad ah. hogaamiyaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “ ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib kulan uu la qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Norway. Maalmo ka hor ayay ahayd Markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay Magaalada Nairobi kaga dhawaaqeen Madal ay ku mideysan yihiin. Sidoo kale Waxaa jira Siyaasiyiin gudaha Dalka iyo dibadiisa kulamo kala duwan ku yeelanaya, kuwaasi oo into badan loogu hadlayo Siyaasada Dowladda iyo qaabka loo qeybinayo Xilalka Dowladda.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6199
LATEST NEWS