January, 10-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Kulan loogaga hadlayo Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayna soo qabanqaabisay Wasaarada Caafimaadka ee Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa lagu qabtay maanta magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Mas’ uuliyiintii ka soo qeybgashay kulankan waxaa kamid ahaa Maamulka gobolka Sh/dhexe kan dagmada Jowhar, la taliyaha madaxtooyada, howlwadeeno dhinaca caafimaadka ah oo ka kala socday Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa lagu dajinayay qorshaha caaafimaadka Hirshabeele ee shanta sano ee socota. Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka hadlay iskuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka Sh/ dhexe Dr Ibraahim C/qaadir Xaaji Xuseen isagoo u mahaceliyay Wasaarada Caafimaadka qabashada kulankan loogaga arrinsanayo arrimaha caafimaadka ee Hirshabeelle.

Sidoo kale kulanka waxaa ka hadlay Axmad Aadan Maxamad oo ah kusimaha Agaasinka iyo Qorsheynta Wasaarada Caafimaadka Dowlada Soomaliya waxaana uu sheegay in kulankan hore loogaa soo qabtay maamul goboleedyada dalka.

“Kulankan waxa uu yahay kulan wadatashi ee ah qorshaha caafimaadka iyo nafaqada ee shanta sano ee soo socota 2017-2021, wasaarada caafimaadka qorshaheedii hore ee shanta sano waxa ay ku ekeyd bishii December 2016.”ayuu yiri Axmed Aadan Maxamed

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/qadir Cabdulle Buurfuule ooka hadlay kulankan ayaa sheegay in loogaga baahan yahay bahda caafimaadka inay qorshe cad oo wax u taraya bulshada Hirshabeelle ay soo bandhigaan ayna eegaan dhibaatooyinka ka jira dowladgoboleedka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe ee dhinaca arrimaha bulshada Muxumad Sugaal Cismaan ayaa u mahad celiyay Wasaarada Caafimaadka ee dowlada Federalka Soomaaliya isagoo tilmaamay guul in haatan Maamul goboleedka Hirshabeelle uu bilaabay howlihii adeegyada bulshada waxana uu kula dardaarmay dadkii ka qeybgalayay kulankan inay iyagoo isku duuban ay soo bandhigaan qorshaha shanta sano ee socota Hirshabeele.

Ugu dambeyntii waxaa kulankan ka hadlay La Taliyaha Madaxtooyada Hirshabeelle Mudane Cabdirisaaq Xaaji Bood waxana uu sheegay in loo baahan yahay in la fahmo qorshaha shanta sano ee dhinaca caafimaadka iyo Nafaqada ay ka mid tahay qorshaha qaran ee shanta sano ee soo socota. Waxana uu ugu baaqay Mudane Bood ka qeybgalayaasha in ay soo bandhigaan baahida kajirta deegaanada Hirshabeelle ee dhinaca caafimaadka iyo nafaqada.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa oo kale ah oo lagu qabto magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay maamul goboleedka Hirshabeelle.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5989
LATEST NEWS