January, 10-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Majmaca culimmada Soomaaliyeed ayaa fariin u diray xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo soo dooran doona hogaanka dalka Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Majmaca culimmada oo warbaahinta kula hadlay magaalada xamar ayaa u sheegay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka inay dushooda saaran tahay masuuliyad adag.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa si wadajir ah uga codsaday xildhibaanada cusub inay ummada Soomaaliyeed u dooraan hogaan cusub oo dalka wax ka badali kara afarta sano ee soo socota.

Waxay culimada sheegeen in xildhibaanada looga baahan yahay inay ka dhabeeyaan dhaartii aymareen, ayna xasuusnaadaan masuuliyada loo dhiibtay.

Hadalka culimmada ayaa imaanaya iyadoo maalinta beri ah la filayo in xildhibaanada ay soo doortaan hogaanka baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tartamayaan afar musharax.

xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 6076
LATEST NEWS