January, 08-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Waxaa maanta xarunta golaha shacabka ka bilaabatay dhageysiga waxqabadka ay la imaan doonaan xildhibaanada u sharaxan xilalka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa

Dhamaan Musharixiinta khudbeysay ayaa ka mideysnaa balanqaadka ku saabsan inay horumar gaarsiin doonaan dalka Soomaaliya, balse waxay ku kala duwanayaayeen erayada iyo hal ku dhigyada ay adeegsanayaan.

Musharax C/rashiid Maxamed Xidig oo doonaya inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u balanqaaday xildhibaanada baarlamaanka haddii ay doortaan inuu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka dalka ka jira.

Wuxuu soo hadal qaaday horey usii waddida howlaha horyaala baarlamaanka Soomaaliya iyo arimo kale.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa dhankiisa ka hadlay goobta, wuxuuna sheegay inuu wax badan soo qabtay afartii sano ee lasoo dhaafay, maadaama uu noqday afhayeenka baarlamaanka, taasi oo uu kaga duwanaa musharixiinta kale ee la tartameysa.

Wuxuu sheegay inuusan jirin cid gooni ah oo wadata, hadalkaasina wuxuu u muuqday inuu kaga jawaabayay hadalada maalmahaan soo baxayay oo ku aadan inuu la safan yahay musharax madaxweyne oo gaar ah.

C./fataax Ibraahim Geeseey, ayaa dhankiisa jeediyay balanqaad ku aadanaa inuu wax ka qaban doono mushaar la’aanta xildhibaanada.

Khudbadaha Guddoomiye ku xigeennada

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo dooneysa xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa sheegtay inay tahay markii labaad oo ay xilkaan isku soo sharaxdaa, waxayna u muuqatay qof ay kalsooni badan ka muuqato.

Iyada oo ka duuleysa nidaamka awood siinta dumarka ayay sheegtay in dastuurka uu dhigayo in haweenka door ku yeeshaan hogaanka hay’adaha dowladda, waxayna balanqaaday inay ka shaqeyn doonto dhameystirka howlaha u dhiman xildhibaanada.

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa jeediyay khudbad kooban oo uu kaga hadlayay waxqabadkiisa muddada uu dowladda ku jiray, laakiin wuxuu u muuqday ruux ku kalsoon helida xilka uu raadinayo,maadaama muddo uu ka tirsanaa dowladda haatan waqtiga ka dhamaaday.

Faarax Sheekh C/qaadir ayaa qiso xanuun badan oo soo martay yaraantiisii la wadaagay xildhibaanada, isagoo sheegay inuu ku dhashay todobo bilood iyo deegaan aan isbitaal laheyn, wuxuuna sheegay inuu ka shaqeyn doono midnimada xildhibaanada baarlamaanka.

“Waxaan ku dhashay 7 bilood meesha aan ku dhashay oo aan laheeyn isbitaal daraadeed dadkii waxeey dhaheen 7 maalin ka badan noolaan maayo ,hooyadeey allah ha raxmadee ayaa i tiri “waxaan rajeeynayaa inuu dadka iyo dalka soomaaliyeed hogaamiyo” hooyadeey waxeey igula dardaarantay inaan dadka xushmeeyo xushmadaa oo aay ugu horeeyso inaan qof istaag ku wareeysan anigoo fadhiyo hadaan meel aan fariisiyo waayana aan uga kaco meeshaan fadhiyo.”ayuu yiri Faarax C/qaadir.

Xildhibaan Jaylaani Nuur Iikar ayaa dhankiisa jeediyay hadal kooban oo uu ku sharaxay muddada uu xilkan hayay iyo waxbaayabihii u qabsoomay.

11 bishaan ayaa la filayaa in magaalada xamar lagu qabtaa doorashada guddoonka baarlamaanka, waxaana 12 bishan la qabanayaa doorashada ku xigeenada baarlamaanka.


xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5815
LATEST NEWS