January, 08-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,ayaa ka hadlay weerar ay ku dileen dad rayid ah oo jimchii ka dhacay degaanka Wareer-male ee hoostagta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya joe Kibet,oo la hadlay mustaqbal Radio,ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen 2 Qof iyo 25 Neef oo Geel ah,islamarkaana ay weeraro ka cabsi qaban

Waxaa uu sheegay in Ciidankooda oo ku jira Roondo ay la kulmeen weerar islamarkaana uu dagaal ku dhex maray degaankaas,kadibna ay AMISOM is difaacday.

Waxaa uu Afhayeen Joe, sheegay in Ciidanka AMISOM ay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan shilka dhacay iyaga oo la kaashanaya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Joe Kibet,ayaa intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya,AMISOM iyo Dadka degaanka ay ka wada hadli doonaan waxa dhacay wixii ay isku afgartaanna ay sameyn doonto AMISOM.


xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5815
LATEST NEWS