January, 08-2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
Xamarradio.com
Dowladda Shiinaha ayaa balaarineysa mashaariicdeeda dhisme ee ay ka wado wadamada ku yaala bariga qaarada Africa, waxaana ku baxaya balaayiin doolar.

Sida uu baahiyay CNN TV , dowladda Shiinaha ayaa dooneysa inay dhisto wado tareen oo isku xireysa magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Bishii octobar ee sanadkii la soo dhaafay Shiinaha ayaa furay dhismaha waddo tareen oo isku xireysa wadamadaEthiopia iyo Jabuuti.

Waddadaasi oo dhererkeeda uu gaarayo 750 KM ayaa waxaa ku baxay dhaqaalo gaaraya 4 bilyan oo doolat.

Waxaa dhaqaalaha iyo dhismahaba qeyb ka qaadanaya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana dhawaan la filayaa inay furaan waddo tareen oo isku xireysa dalalka Kenya iyo Sudan.

Sidoo kale waxay qorsheynayaan inay dhisaan waddo tareen oo isku xirta magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ee dalka Kenya.

Qorshaha kale ee shirkadaha Shiinaha ayaa ah inay dhisaan waddooyin isku xira dalalka Sudaanta koofureed, Uganda , Rwanda iyo Burundi, iyadoo qorshaha uu yahay isku xirka shacabka dalalka Africa, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Shiinaha.

Qorshaha laga leeyahay dhismaha waddada tareen ee isku xireysa magaalada Kismaayo iyo Lamu ayaanan laga bixin xog dheeraad ah.

Laakiin waxaa hadafka guud lagu sheegay in fursad loo helaa in magaalooyinka dekadaha leh si toos ah dhaqdhaqaaqooda loo helaa.


xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 5815
LATEST NEWS