Kitaabka Qur’aanku waa Keydka ugu weyn uguna Qaalisan ee Muslimiinta Maanta Caalamka ku Nool Gacantooda ku jira, waana Isha Koowaad ee lagu Dhiso Caqiidada, Cibaadooyinka iyo Sharciga Diinta Islaamka, islamarkaana Umada ku horimari karto....
Suurada
7aad Al-Acraaf:
Suuradan
waxaa loo yaqaan Al-Acraaf maadaama Magaca Acraaf uu ku Xusan yahay Suurada
Dhexdeeda, Acraafkuna waa Derbi ku yaala Janada iyo Naarta Inta u Dhexeysa oo
kala Xera Ahlu Janaha iyo Ahlu Naarka wallow ay is arki karaan isna maqli
karaan sida ku cad Suurada Dhexdeeda.
Waxaana
Allaah uu Suuradan ku Dhex Sheegay qolo la yiraahdo Asxaabul-Acraaf oo ah Dad
Wanaagooda iyo Xumaantooda isla ekaadeen oo Xumaantooduna ka hor joogsatay
Galitaanka Janada, Samaantoodiina looga Reebay Galitaanka Naarta, sidaas
darteed u fadhiistay meel u Dhaxeysa Janada iyo Naarta, taasoo Naftooda ku
dhalisay Marka ay Ahlu-Naarka iyo Dhibaatada heysta arkaan in ay Murogoodaan
Naartana Allaah ka magan galaan, marka ay Ahlu-Janaha iyo Nimcada ay ku jiraan
in ay Farxaan Damcaana Nimcada janada dhextaala oo ay Allaah ka baryaan, ayadoo
ugu Dambeestii uu Allaah Raxmadiisa darteed Baryoodadii ka aqbalay Jnada
galiyay.
Suuraada
Al-Acraaf waa Makiyah, Marka laga reebo Aayadaha kala ah: (163…170), Suuradaan
waxaa lagu tiriyaa in ay ka mid tahay Suuradaha Dhaadheer, Tirada Aaydaheeduna
waa 206 Aayadood, Suuradan waxey ku Bilaabataa Xuruuf Go’go’an sida kuwii ka
horeeyay oo kale, waxeyna ku beegan tahay kaloo Barka Juzka 8aad ilaa inta
Badan Juzka 9aad, waxeyna soo dagatay Suurda (Saad) ka dib.
Macnaha
Guud ee Suurada Al-Acraaf :
Suuradaan waxey aad u Faahfaahisaa Qisooyinka
Nabiyada, waxeyna aad uga hadashaa Caqiiidada Toowxiidka, Abaal Marinta
Maalinta Qiyaame, ayadoo Soo bandhigta in Nabiyada oo Dhan Dacwada Dadkooda ay
Gaarsiinayaan ay ku bilaabi jireen ka Hadalka Toowxiidka, waxaa kaloo ay
suuradaan cadeysaa in nabaiyada aysan Aduunyo ku doonan jirin Diinka
gaarsiintiisa, Arintaasna waxey Dadka Ducaada ah ku Baraarujineysaa in ay
Habkaas oo kale Dacwada u wadaan Maadaama Toowxiidku yahay Aasaaska Diinta,
waxaanaba Caado u ah Qolo walba oo Diin Aaminsan in ay Dacwada Diinkooda ka
Bilaabaan Caqiidada ay Aaminsan yihiin ha u haado Diin Saxan (Diinka Islaamka),
ama Mid Qaldan (waxa Islaamka kasoo hara).
Sababta
ay u soo dagatay Suurada Al-Acraaf:
Suuradan waxaa lagula Dagaalamayay Dhaqan ay
lahaayeen Dad Reer Baadiye ahaa oo Kacbada Dhawaafi Jiray ayagoo Dhar la’aan ah
Islaamka ka hor, ayagoo ku andacoonaya dharkoodu inaysan wanaagsaney, waxaana
Suurad Amreysaa in Dadka ay Labistaan Dhar wanaagsan Marka ay Doonayaan in ay
Cibaadestaan.
Suurada 8aad Al-Anfaal:
Suuradan Al-Anfaal waa Suurad soo Dagatay Xiligii
Muslimiinta ay joogeen Magaalada Madiinah Marka laga Reebo Aayadaha kala:(30
ilaa..36) kuwaasoo Makah intii la Joogay soo Dagtay.
Suuradan
Al-Anfaal waxey si gaar ah Xooga u Saartaa Dhanka Sharciyada Dagaalka, iyo
Habka ay tahay in loo qeybiyo waxii Xoolo ah ee Dagaalka lagu Qabsado, waxeyna
si gaar ah uga Hadashaa Xalinta khilaafyo Muslimiinta ku Dhex maray Duulamada
qaar, waxeyna si aad ah Muslimiinta u siisaa Tilmaamo Xaga Rabi ka yimid oo ay
Waajib tahay in ay Raacaan Marka ay Cadowga Allaah Dagaalka kula Jiraan, waxey
kaloo kala Hadashaa Dhanka Heshiisyada Nabada ee lala gali karo kuwa Dagaalka
lagula jiray.
Sababta
ay ku soo Dagatay Suurada Al-Anfaal:
Suuradaan
waxey kusoo dagatay Markii Muslimiinta La Dagaalameen Gaaladii Qureysh
Duulaankii Badar oo uu Jabka Gaaray Gaaladii, Muslimiintiina ay isku qabsadeen
Cidda Xaqa u leh in ay la Wareegto Hantidii Gaalada ka Carareen, waxaana loo
kala qeybsamay Sadax qolo:
1)-Qoloda
Koowaad waxey ahaayeen Kooxdii Eryatay Cadawga waxeyna ku Doodeen in ay ayaga
gaar u leeyhiin Xoolaha ay ka Carareen Gaalada.
2)-Qolada labaadna
waxey yiraahdeen anagaa Idinka Mudan oo waxaan ilaalineynay Nabiga (SCW) si
aysan si kada ah Cadwga Dhib u Gaarsiin.
3)- Qoloda
Sadaxaadna waxeyku Doodeen in ay ayaga Gacantooda ku Qabsadeen Xoolaha oo dhan
intii Cadawga la sii Eryanayay.
Marka
ay arintu intaas mareysay ayaa Allaah waxaa uu Nabigiisa u Waxyooday Suuradan
si loo soo afjaro Khilaafka, Nabigana (SCW) Xoolihii waxa uu ugu Qeybiyay si
isla mid ah Sadaxda Kooxba, waxaana Muslimiinta la amray in ay Wanaajiyaan
Xeriirka ka Dhexeeya.