January, 01-1970 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO A FRIEND  
VOD Radio Xamar
Xamar iyo gobolada koonfur-bartamaha Soomaaliya Agoosto ka dib masiirkooda waa lala wareegaa

Guudiga dastuurka federalka madaxa banaan, GDFM, wuxuu soo gabogabeeyay qabyo qoraalkii dastuurka 10kii bisha Luuliyo, 2010kii, sida ku cad …shabakadooda, dastuur.org; dastuurkaas waxay ku soo bandhigeen saddex qaab oo loo habayn karo magaalada Xamar[1].


Wuxuu kaloo gudiga madaxa banaan tagay meelo badan oo dalka ka tirsan si loo ururiyo fikradaha iyo talooyinka shicibka; Gudiga wuxuu la tashaday dad waxgarad ah oo ku nool magaalada Muqdisho[2]; dadkaas waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banadir, Mudane Maxamud Axmed Nuur, Tarsan, iyo dad kale oo tiro badan, oo ay ku jiraan dad caan ka ah magaalada.


Bacdi markay uduruseen saddexda qaab ee la soo jeediyay, waxay doorteen xulashada koowaad, fadlan fiiri tirada labaad ee marjica ama loo noqdaha hoos ku lifaaqan, si aad u akhrisatid hababkii kale ee la soo jeediyay[3].


Waa kan kii la doortay:

“XULASHADA 1aad ( Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed)
Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad goboleed.
Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo la tashatay Dowladda Fedelaaka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada Federaalka.


Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan arimaha canshuuraha, xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda.”


Tarsan muxuu ku doortay xulushada kore? Waa kan sababtii uu u sheegay gudiga madaxa banaan, laguna soo bandhigay warbixin ay soo saareen isla gudigaas[4]; fiiri marjica 4aad ee hoos ku lifaaqan:


“• Xulashada Nooca Caasimadda Federaalka: Qoraalkii uu ka soo gudbiyey xulashooyinka uu Qabyo‐qoraalka Dastuurku uu ka soo jeediyey Magaalada Caasimadda Federaalka ah, Duqu[waa Tarsan] waxaa uu sheegey in uu doorbidayo Caasimad Ku‐dhextaal Dowlad‐Goboleed. “Xulshadan,” ayuu yiri, “waxa ay dadka deggan Muqdisho siineysaa awood ay ku doortaan wakiilladooda ku matalaya heerarka kala duwan ee dowladda waxaana ay sidoo kale siineysaa faa’iidada uga imaaneysa in ay magaalada sii ahaato Caasimadda Qaranka Soomaaliya.”


Gobolka Banadir xulashada koowaad aa u fiican, sababo la xiriira xagga ismatalaadda, canshuuraha iyo arimo kale oo tirobadan.


Laakiin xulashooyinkii gudiga madaxa banaan ay ka soo shaqeeyeen, oo ay ku jirto tii la doortay, waa laga saaray qabyo-qoraalkii lagu heshiiyay, juune 22keedii, 2012kii, magaalada Nayroobi, maalmo ka hor; arintaan waxaa wax ka saxiixay Sheekh Shariif Sheekh Axmed; waxaana lagu badalay midda hoos ku quran[5]. Wuxuu leeyahay arinta Muqdisho waxay u taalaa labo barlamaan, oo mid ka mid ah la dhisi doono mustaqbalka dhow.
Maxaa dhacaaya haddii qodobka sagaalaad sharci laga dhigo.


1- Xamar waxay waynaysaa 3 wakiil oo u matali lahaa aqalka sare ee odayaasha, bacdamaa maqaamkeeda ay ka doodaayaan labo barlamaan oo mid ka mid ah Muqdisho wax wakiilo ah ay ku lahayn, laakiin haddii gobolnimo loo ictiraafo waxay helaysaa 3 wakiil, waana tahayba, oo hadda maamul gobol ay leedahay, laakiin lama ictiraafin; cid kalena ma aha in la eedo aan ka ahayn Sheekh Shariif, Madaxwaynaha Soomaaliya; ma aha in la eedo Dr Faroole ama Dr Cabdi Wali ama qof kaleeto. Abaalka Sii qofkii galay.


2- Runtii caddaalo daro aa hadda maamulka Xamar ka jirta, maxaa dhacay dheh? hal beel aa wada qaadatay gudoomiyaha gobolka iyo duqa magaalada, beeshaana waa tan Sheekh Shariif; tan waxay kaliftay qayb ahaan in beesha Murursade, oo ka mid ah beelaha baadiyaha gobolka daga, in si balaaran u gasho Shabaabka, Shabaabkana waa ka macaasheen arintaan, waana soo dhaweeyeen, bacdina maqaam fiican ay siiyeen; marka tan inay sii soo socoto ma aha; saas oo kale, gobolka waa inuu yeeshaa barlamaan, si markaas madaxdiisa uu u soo doorto inta laga gaaraayo doorasho caam ah; haddii kale, ninka madaxwayne noqda bisha Agoosto aa dooraaya cidda magaalada xukumaysa, talo gacmaha uguma jirayso Xamar. Taas waxaa ka sii daran dastuurka Nayroobi lagu soo saxiixay, qodobkiisa 49aad, kiisa 2aad, wuxuu waajib ka dhigaa in gobolada dalka midoobaan, hadday midoobi waayaana Dowladda dhexe aa mamul u dhisaysa; tan waxay dan u tahay cidda madaxwayne ka noqonayso dalka, waxay magacaabee cidday rabto, kii kalana waa burinee; ilaa laga gaaraayo doorasho caam ah; waxay kaloo dan u tahay gobolada midoobay, sida Puntland iyo Galmudug[6].


3- Sheekh Shariif waxaa laga yaabaa inuu ka cago jiido inuu wareegto ku magacaabo barlamaan soo doorta maamulka gobolka, waayo wuxuu waynaa awoodda soo doorashada, taasoo u ogaalaanaysa in cidduu rabo gobolka u magacaaabo, ciddii kalena ka bursho; laakiin tanaa u fiican gobolka, haddii kale, masiirka gobolka wuxuu ku xirnaanaa kiisa, hadduu wax waayo, gobolkana waa waynaa? Marka hadda waa in la cadaadiyaa. Arintaan waxay sahlaysa in Banadir yeelato cod, haddii kale xaalka waa bariga dhexe; Intaas waxaa ka sii daran qodobka 49aad ee dastuurkii lagu saxiixay Nayroobi, bishaan, Juun, 2012, wuxuu leeyahay gobol gooni iskuma taagi karo, waa khasab inuu mid kale la midoobo, haddii kale dowladda dhexe aa maamulaysa; marka gobolada bartamaha iyo koonfurta waxaa dhacaysa in la maamulo, bacdina ay waayaan qaab ay xuquuqdooda ku soo dhacsadaan, bacdamaa cidda xukumaysa ay meelo kale ka amar qaadato. Arintaan mar kale Faroole iyo Gaas laguma eedayn karo; walow ay arintaan Buntland dan u tahay, waxaa doorbiday oo saxiixay Sheekh Shariif, oo isleh xukunka aad dib ugu soo noqonee, bacdina adaa magacaabanaaya gobolada sida haddaba jirta; laakiin wuxuu ka maagsanyahay in soo laabashadiisa inay bakhtiyaa nasiib tahay, marka masiirka ummadda ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, asaga iyo Shariif Xassan, ma ku bakhtiyaa nasiibaayaan? Odxo kale oo farobadan aa ku jira dastuurkaan, mid mid aan uga faaloonaynaa, haddii Eebe idmo.


Maxaa la samayn karaa
1- Dastuurkii gudiga madaxa banaan ay soo diyaariyeen hala keeno; xulashada koowaadna hala doorto; Gobolkana labo aqal haloo sameeyo, mid odoyaal iyo mid aqoonyahan; dadka deegaanka iyo dadka ku dhaqan iyo Soomaalida oo dhan maamul ay iska dhex arkaana hala suubsho.


2- Mudaharaad in la sameeyo waa maa hurto ilaa meel laga saaraayo maqaamka Mudqisho; halkudhigana waa fududyahay, muqdisho waa inay heshaa dad u matala barlamaanka gobolada ama odoyaasha, waa inay leedahay cod ay u adeegsato inay xuquuqdeeda ku dhacsato, aayaha ummaddana wax uga biiriso.



Qore Samatalis Xussen Xayle:



Xamarradio.com

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
RELATED ITEMS
MOST READ
TAHNIYADA AROOS Views: 3319
LATEST NEWS